U bood dhigaalka

Meydadka Sedex Ka Mid Ah Shaqaalaha Goobjoog iyo Shacab Kale Oo La Helay

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhaw la helay meydad ay ku jiraan sadex ka mid ah shaqaalaha Goobjoog oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha Goobjoog ee qaraxa ku dhintay waxaa ay kala ahaayeen: Gaani Axmed Cabdulle, Maxamed Nuur Daahir iyo Sahal Ibraahim Faarax.

Shaqaalahan ka geeriyooday warbaahinta Goobjoog ayaa ahaa ilaalo la socotay gaari ay laheyd idaacadda, gaariga ayaa sidoo kale qaraxa ku waxyeeloobay.

Qaraxan oo galabta ka dhacay Hotel Naasahablood ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 30 kale.

Maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog waxaa ay tacsi u dirayaan qaraabaddii iyo ehelladii ay ka baxeen shaqaalaha iyo dhamaan shacabkii goobta ku waxyeeloobay.

Goobjoog News