U bood dhigaalka

SEIT Galmudug Oo Shaacisay Jadwalka Doorashada 7 Kursi

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo dhawaan lagu dooranayo.

SEIT galmudug ayaa soo bandhigay waqtiga la shaacinayo odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ergada soo dooraneysa todoba kursi iyo sidoo kale waqtiga la qabanayo doorashada kuraastaas.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#007, HOP#061, HOP#064, HOP#248, HOP#089, HOP#096 iyo HOP#071.

 

Waxaa hadda afarti sano ee la soo dhaafay galmudug kuraastaan ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#007: waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Faarax Wehliye.

HOP#061: Kursigaan waxaa ku fadhiya Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax.

HOP#064: Sahra Cumar Maalin ayaa kursigaan Galmudug ku metashay.

HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon ayaa kursigaan ku fadhiya.

HOP#089: Cabdi Shire Jaamac Ciyaar jecel ayaa Galmudug ku metalay Baarlamaankii 10aad JFS.

HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali ayaa ku fadhiya kursigaan.

HOP#071: Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ah Wasiirka Dekedaha DG Galmudug ayaa ku fadhiya.