U bood dhigaalka

Senate-ka Mareykanka Oo Ansixiyay In Dhibanayaashii 9/11 Ay Dacweeyaan Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Aqalka Senate-ka dalka Mareykanka ayaa Talaadadii ansixiyay sharci ogolaanaya in qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay 9/11 ay dacweyn karaan dowladda Sacuudiga.
Sacuudiga waxaa ay inkireen mas’uuliyadda dhacdadaas 2001-dii lagu qarxiyay daarihii mataanaha ahaa, Sacuudiga ayaa horay u sheegeen haddii sharciga la ansixiyo ay kala bixi doonaan ilaa $750 billion ay kala bixi doonaan dalka Mareykanka.
Sharciga Senate-ka uu ansixiyay waxaa loo yaqaanaa: The “Justice Against Sponsors of Terrorism Act”, Waxaa kaloo sharciga loo gudbin doonaa aqalka Conger-ska si ay u ansixiyaan.
The “Justice Against Sponsors of Terrorism Act” waxaa uu qaadi doonaa Xasaanadda ku saabsan dowladaha shisheeye oo dambi ku geysta dhulka Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Bin Axmed Al-Jaabir waxaa uu sheegayaa in dalkiisa uu ka soo horjeedo waddada sharciga loo maray oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah, isagoo intaa raaciyay in dunida uu ka dhigi doono mid sharci aanu ka jirin.

Goobjoog News,