U bood dhigaalka

Senator Abshir: Shacabku Wey U Baahan Yihiin Doodda Cusub Ee Wadaadada .

Sheeko:Amniga
Abshir Axmed Maxamed gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Aqalka sare ayaa sheegay in maalmihiiu danbeeyay ay soo baxeen wadaado doonaya in ay difaacan hanaanka iyo siyaasadda uu wax ku wado madaxweeynihii Hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Senator Abshir ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook-waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay si doodda si loo wado loo baahan yahay in Wadaada qaar laga saaro doodda.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare .
SHACABKU WEY U BAAHAN YIHIIN DOODDA CUSUB EE WADAADADA .
Wadaado asalkoodu inta badan ka soo wada jeedo ururka Al-Itixaad (oo ku dhisnaa fikirka Wahaabiga) ayaa beryahan waxaa ka dhex aloosmay dood ???? ah taageerid, dhaliilid iyo hogatus ku saabsan sidii uu wax u maareeyey madaxweynihii-hore Maxamed Farmaajo muddo xileedkiisii dhammaaday (2017 – 2021) iyo mustaqbalkiisa siyaasada.
Runtii doodan shacabka wuu u baahan yahay si ay u kala ogaadaan halka ay kala joogaan wadaadadu iyo kaalin ahaan waxa ay ugu tooran yihiin dadka iyo dalka iyo weliba sida ay ugu soo gudbinayaan shacabka dhambaalkii ay ka dhaxleen Nebi Maxamed ﷺ.
Haddaba si ay doodaasi u mira dhasho waxaan soo jeedin lahaa arrimaha soo socda:
1. Dooda in laga saaro wadaadada layliga ah oo weli bawsiga ku jira loona daayo kuwa isu caqli iyo cilmi sheegan kara.
2. In ay dooda ka soo wada qaybgalaan wadaadada kale ee ku suntan suufiyada, salafiyada iyo ikhwaanka, iwk.
3. In mawduuca dooda laga dhigo mudo xileedkii dhammaaday (2017 – 2021) ee madaxweyne-hore Maxamed Farmaajo xagga Xilgudashada, Gaabiska iyo Gaboodfaladiisa.
Ugu dambeyn, aniga oo huba in maankiinu noqonayo mudacyo caaraddood, haddana isu garaaba, kala garqaata adinka oo aan isu jixinjixin isagana turin runta iyo bidhaaminta xaqa oo cuskan Qur’aanka Kariimka, Sunnada Nebiga ﷺ (NNKHA), Al-Ijmaac iyo Qiyaaska.