U bood dhigaalka

Senator Bob Menendez: Muddo Kordhinta Waxay Khatar Ku Tahay Xasiloonida

Sheeko:Amniga

Senator Bob Menendez oo madax ka aha guddiga xiriirka caalamiga ah ee aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in muddo kordhinta ay sameeyeen golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka hor imaanayo dimoqraadiyadda isla markaana uu khatar ku yahay dimoqoraadiyadda

 

“Doorasho waqtigeeda ku dhacda waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad fiican, in laga shaqeeyo muddo kordhin waa ku tumasho hannaanka dimoqoraadiyadda, waxay khatar ku tahay xasiloonida”.

Madax ka aha guddiga xiriirka caalamiga ah ee aqalka Senate-ka Mareykanka Senator Bob Menendez

Waxaa uu ku baaqay in la wada hadalo, lana joojiyo isku dey kasta oo lagu hor istaagayo doorasho “ Saamileyda waa iney gaaraan heshiis wadar ogol ah, waa in la joojiyo waddo kasta oo lagu wiiqato wada hadallada doorasho xalaal ah”.

Golaha shacabka ayaa 2 sano ugu daray Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo golaha shacabka taasi oo ay iska diideen aqalka sare.

Waxaa xusid mudan in beesha caalamka aaney weli ka hadlin sida ay u arkaan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka.

Goobbjoog News