U bood dhigaalka

Senator Cabdi Qeybdiid iyo Mas’uuliyiin Kale oo Ku Guuleystay Daminta Colaad Ka Bilaabatay deegaan Hoostaga Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Wafdi uu hogaaminayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla markaana ay qeyb ka yihiin maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo ayaa gaaray Degaanka Taarroge oo dhanka galbeed uga aadan magaalada Gaalkacyo, qiyaastii u jira 9km oo saakay ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiintaan ayaa ku guuleystay hakinta Dagaalkaan, waxaana la soo sheegayaa inay dib u kala rareen ciidamadii dirirtu u dhexaysayay, mas’uuliyiinta maantay ku baxay kala celinta maleeshiyaadka Dagaalamaya ayaa maalmahaan waday dib u heshiisiin looga samayn lahaa degaankaasi oo colaadiisu taagnayd todobaadyadaan.

Goobjoog News