U bood dhigaalka

Senator Canjeex Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeyay doorashada kursiga labaad ee Aqalka sare BJFS.

Guddiga doorashada Baarlamanka Hirshabele ayaa shaaciyey natiijada kursigii labaad ee ka mid ah kuraasta aqalka sare ee laga soo doorto Hirshabelle kaasoo ay ku tartameen labada Musharax ee kala ah Senator Maxamed Cusmaan Dhega-Juun iyo Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

Nuur Max’ed Geeddi (Canjeex) oo helay codad gaaraya (70) ayaa ka guuleystay musharaxii la tartamayey ee Maxamed Cusmaan Dhega-Juun kaasoo isna helay(27)

Musaraxa laga guuleystay ee Dhega-juun ayaa Senator-kii afarti sano ee la soo dhaafay kursiga  ku fadhiyay balse aan nasiib u yeelan in uu dib u soo noqdo.

Goobjoog News