U bood dhigaalka

Senator Cumar Cabdirashiid: Waa In La Cunaqabateeyo Kuwa Qaska Ku Wada Heshiiska September 17

Sheeko:Amniga

Senator Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa sheegay in ciddii qasta heshiiska September ay tahay iney muteysato cunaqabateyn.

Senator Cumar oo arrinkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu yiri  ‘‘Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseeda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada’’.

Cumar Cabdirashiid oo horay Soomaaliya labo jeer ra’isul wasaare uga noqaday waxaa uu qabaa inkasta uu gaabis jiro hadana in ay tahay in la dhaqangeliyo heshiiskaas isaga oo yiri ‘‘ Hadda, in kasta uu jiro gaabis hadana in si dabacsan loo dhaqangeliyo heshiiskii September 17 waa xalka ugu haboon ee xasilinta xaaladda jirta’’.

Senator Cumar oo qaranka u agoontoobay kadib markii la toogtay aabihii Cabdirashiid Sharma’ arke oo madaxweyne ahaa isaga oo 8 jir ah waxaa ku dooday in shacabka Soomaaliyeed ayba uga horreeyaan hanka dimoqaadiyadda sida ay xukuumadda wax u waddo, waxaa uuna arrintaas ka yiri ‘‘Dadkeenna Soomaaliya filashadooda la xiriira tallaabooyinka loo qaadayo dimoqoraadiyadda waxaa ay horeysaa sida xukuumaddan wax u waddo.’’.

Ugu dambeyntii, Senator Cumar Cabdirashiid Sharma a’ke waxaa uu soo jeediyey in xalka uu ku jiro in kalsooni dhex marto shanka maamul goboleed ee fedeaalka ah iyaduga ay hoogaamiyaan marxaladda waxaa uu yiri ‘‘Sidaas ay tahay, caqabadda jira waa sidii kalsooni loo dhex dhisi lahaa shanta dowlad goboleed dhexdooda si waxtar ugu yeeshaan meesha loo socdo’’.

Hadalka Senator Cumar ayaa ku soo aadaya xilli muddo tobaad ka badan ay Muqdisho ka socdaan shirar isbarbar socda oo dowladda fedeaalka ah oo dhinac, maamul goboleedyada oo dhinac kale ah iyo xataa madasha badbaado qaran, lamana oga sida ay xaaladdu noqon doonto.

Goobjoog News