U bood dhigaalka

Senator Dhageey Oo Loo Doortay In Markale Uu Kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Labaad  ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Daahir Faarax Fiidow.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Musharax Yuusuf Geelle Ugaas  uu ku guuleystay kursiga Labaad  ee doorashada Aqalka sare ee Galmudug.

Goobjoog News