Senator Faroole Oo Ka Hadlay Dagaalka Gaalkacyo

Senator C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay Faroole in ay aad uga xunyihiin dagaallada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in shacabka Mudug aysan u baahneen dagaallo sokeeye iyo wax lamid ah, wuxuuna ku baaqey in dhanka nabadda la eego.

Faroole ayaa nasiib darro ku tilmaamay in  dagaallo ay ka dhacaan dalka iyadoo doorashooyinka lagu guda jiro.

“Lagama aamusi karo dadka dhibaatada ku dhacday ee aan waxbo galabsan, caruurta barakacday, haweenka ku umulaya meelaha bannaanka ah, ardadii oo iskuullada ay ka baaqatey, iyadoo aan la garaneyn cidda dagaalkaasi wadda iyadoo heshiis la ogyahay in lagaarey, marka salaanta nabadeed ma ahayn mid laabta jirtey” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa dhanka kale ugu baaqey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu tago magaalada Gaalkacyo si loo xalliyo dagaallada Gaalkacyo.

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaalladaasi ay sababeen khasaare kala duwan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jirta.

Goobjoog News

Related Articles

17 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW