U bood dhigaalka

Senator Hore Xuseen Oo Loo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii uu xilka la wareegay maanta oo isniin ah.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa loo magacaabay agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xilka qaadis lagu sameeyay agaasimihii hore ee madaxtooyada.

Waa kuma Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada?

Xuseen Sheekh Maxamuud, Wuxuu ku dhashay Xudur- 1982.Waxbarashada iyo takhasuska

Waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa heer-ka koowaad ee jaamacadda waxa uu ku qaatay gudaha dalka.

Dugsigii hoose waxa uu kusoo qaatay iskuulkii  Garasweyne oo ku yaallay tuulada Garasweyne ee u dhaw magaalada Xudur , halka fasallada dhexe ilaa sarana uu ku qaatay iskuul Ceynaan oo ku yalla Muqdisho. Waxa uuna dhammeeyay sanadkii 2006-dii.

Isla sanadkaas 2006 ayuu heerka koowaad ee waxbarashada [Bachelor’s degree] ka billaabay jaamacadda SIMAD ( oo xilligaas aan aheyn Jaamacad) waxa uu ka baxay sanadkii 2010-kii isagoo ka bartay maareynta ganacsiga (Business Administration0.

Heer labaad ee jaamacadda (Master Degree) ayuu ka qaatay jaamacadda Kampala ee dalka Yugaandha 2013-kii isagoo bartay cilmiga Horumarinta (Development Studies ).

Shaqooyinka uu soo qabatay

Xuseen ka hor inta aan loo dooran kurisga xildhibaannimo waxa uu kasoo shaqeeyay waxbrashada iyo arrimaha bani’aadannimada.

Waxa uu wax kasoo dhigay iskuullo ku yaalla magaalada Muqdishu oo uu ka mid yihiin iskuulka Dabaqeyn iyo Iskuul Al-anwaar.

Sidoo kale jaamacadda SIMAD oo uu horay uga baxay ayuu bare ka ahaa muddo lix sano ah.

Arrimaha bani’aadnnimada ayuu sidoo kale kasoo shaqeeyay isagoo markii kurisga loo dooranayay ahaa madaxa hay’adda Danish Demining Group (D D G) u qaabilsan Koonfur Galbeed.

Xuseen iyo Siyaasadda

Waxa uu horay uga mid ahaa baarlamaankii hore ee 10-aad isagoo ahaa senator laga soo doortay koonfur galbeed.

Xuseen waxa uu ka mid ahaa guddigii doorashada guddonka Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu ku jiray guddigii doorashadii madaxtinnimo ee Febraayo 2017-kii dhacday.

Goobjoog News