U bood dhigaalka

Senator Hussein Sheikh ” Baarlamaanka Soomaaliya wax la taaban karo kama qaban tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda muwaadiniinta”

Sheeko:Qormooyin

Saxaafaddu waa mid ka mid ah tiirarka Dawladnimada Casriga ah. Waxaa ay afareysaa saddexda tiir ee dawladnimada ee kala ah fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka. Saxaafaddu waa garsooraha u kala garqaada adeegaha (dawladda) iyo loo-adeegaha (shacabka). Sida ka muuqata ereyga “Media” oo ah dhex-dhexaadnimo waa in saxafigu uu si eex la’aan ah oo xirfad xambaarsan warka u sugaa una tabiyaa. Balse saxaafadda madaxbanaan mar walba waxaa loo tiiriyaa inay sheegto dhaliilaha maamuleed ee dawladda. Maxaa yeelay wax-qabadka dawladda ayada ayaa sheegata oo hay’ad warka u faafiso ayay leedahay sida Wasaaradda Warfaafinta. Cidda aan wasaarad iyo awood maamul midna lahayn waa shacabka oo ay tahay in loo hadlo lana wacyi geliyo.

Sidaa awgeed, saxaafadda Madaxbannaan waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta danaha iyo xuquuqda shacabka, sare u qaadidda codadka dadka aan codkooda la maqlin iyo ilaalinta mabaadii’da aas-aasiga ah ee dimuqraadiyadda. Soomaaliya dawlad ahaan iyo shacab ahaanba waxaa ay ku jirtaa xaalad jilicsanaan ah “fragility”, saxaafaddana waan ognahay in xaaladdaas jilicsan ay qayb ka tahay.  Balse waxaan u baanahay in saxaafaddeenu ay faham, xirfad iyo awood cilmi u yeelato saxafinimada ama weriyenimada.

Dastuurkeena KMG waxaa uu damaanad qaadayaa guud ahaan Xuquuqaadka aas-aasiga ah sida kan Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta ee ku xusan qodobka 18aad balse sida ay qabto Diinteena Islaamka laguna xusay qodobka 42aad ee dastuurka, waa inay jirtaa isku-dheellitirnaan xuquuqda iyo waajibka muwaadinka.  Waa nasiib darro weyn in dawladda aan qayb ahaan ka mid ahay ay maanta geysaneyso tacaddiyo lagula kacayo saxaafadda madaxbannaan kana soo horjeeda qodobka 18aad ee dastuurka. Waxaan la soconaa in weriyeyaashu ay la kulmaan dil, xabsi, handadaad iyo is-hor istaag shaqadooda. Waxaa kale oo aan ognahay in Maamulada Dawlad goboleedyadu ay sidoo kale tacadiyo u geysanayaan saxaafadda. Waxaa tusaale kaaga filan xorriyada ka qaadista dhowaan lagu sameeyey Weriyeyaasha kala ah Cabdiaizi Gurbiye oo Goobjoog u shaqeeya iyo Mukhtaar Maxamed Catoosh oo VOAda Soomaaliga u shaqeeya ayadoo kuwo kale weli lagu handadayo sharciga sida Haaruun Macruuf. Waa dhaqan keli-talisnimo iyo kalsooni darro shakhsiyadeed ah in dhaliilahaaga aad dhageysan waydo waana astaamaha aan ku aragno Maamulada hadda jira ee heer federaal iyo heer dawlad goboleedba. Waxaan soo dhoweynayaa warka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo ah in dawladiisu dhowrayso xuquuqda iyo madaxbannaanida saxaafadda islamarkaana soojeediyey in wax-ka-beddelka lagu sameeyo xeerka ciqaabta si uu ula jaanqaado xaaladaha waddanka. Balse intaan taasba la isla gaarin maxaa kaa hor taagan mudane Madaxweyne inaad talaabo qaado aad ku joojinaysid xarriga iyo caga-jugleynta joogtada ah ee weriyeyaasheena?

Baarlamaanka Federaalka ee aan ka mid ahay waxaan ku dhaliilayaa in si nidaam hay’adeed ah aaney wax la taaban karo uga qabanin tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda muwaadiniinta gaar ahaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.  Waxaanse ku boorinaa guddoonka iyo guddiyada arrimaha bulshada iyo saxaafadda ee labada Aqal in tallaabo wax ku ool ah ka qaadaan tacaddiyada iyo maal-ka-dhacyada ka dhanka ah xuquuqda bulshada gaar ahaan saxaafadda madaxbannaan ee Soomaaliya.

#Saxaafad madaxbannaan oo horumarsan waa DAL horumarsan!

Senator Hussein Sheikh Mohamud