U bood dhigaalka

Senator Abshir Axmed Oo Xafiis Adeeg Deegaan Ka Furtay Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Abshir Axmad Maxamed oo ah  Senator-kii ugu horeeyay Soomaaliyeed ee lagu doortay, kana soo jeeda Galmudug ayaa waxaa uu Sabtidii gobolka ka furtay xafiis adeeg deegaan, xafiiskan ayey shaqadiisu tahay u adeegista bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug.

Abshir waxaa uu xafiiskan u arkaa mid qeyb ka ah xaqa ay umadda ku leedahay Xildhibaannada Labada aqal iyo si ay fududaato hufnaanta iyo la xisaatanka  Xildhibaanka ay soo doorteen.

“Waxaan bilaabayaa qaab cusub oo mas’uuliyad ku dheehan tahay, Soomaaliya waqti dheer kama jirin wax isla xisaabtan ah iyo shaqo adeeg deegaan oo ay sameeyaan dadka la soo doorto, ka Senator  ahaan, waxaan u adeegi doonaa Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan deegaanka aan ka soo jeedo, waxaan ka hirgelin doonaa adeeg dadweyne taas oo qeyb ka ah shaqadeyda”.

Abshir Bukhaari waxaa uu sheegayaa in xafiiskiisa uu u furan yahay cid walbo oo deegaanka ah, waxaa uu si gaar ah u sheegay dhalinyarada iyo inta aan fursad u helin in ay doortaan hogaamiyeyaashooda arrimo la xiriira 4.5 awgeed.

Shaqadan adeeg deegaan waa shaqo dastuuri ah oo ka mid ah howlaha 3-da ah ee laga sugayo Xildhibaan loo doortay labada aqal 2016-ka.

Abshir Axmed Maxamed Bukhaari waxaa uu ka mid yahay 8 Xildhibaan oo Galmudug u matali doona aqalka sare, 8-daas iyo 36 Xildhibaan oo aqalka hoose ah oo  lagu dooranayo Galmudug waxaa ay shaqadooda tahay, u adeegga doorasho deegaan, sharci-dejinta dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda federaalka ah.

Abshir waa Xildhibaankii ugu horeeyay xildhibaannada labada aqal ah ee xafiis deegaan ka furta goobta laga soo doortay, tilaabadaas oo laga sugayo dhammaan Xildhibaannada labada aqal ee 2016-ka.

October 20, 2016, 5 maalin kadib markii Abshir Bukhaari la doortay waxaa uu shaqada Ka Bilaabay Barkacaasha Degmada Cadaado, Bacyaal ayuu u qeybiyay  si dadka uga galaan cadceedda iyo roobabka, waxaa uu sidoo kale balla-qaaday in uu furo dusgi qur’aan.

Tilaabada Abshir Bukhaari waa arrin fiican oo sidoo kale xujo ku ah Xildhibaannada kale, dalkeena waxaa uu yeelan doontaa 329 Xildhibaan, waa marka la isku daro labada aqal, hadaba Xildhibaan kasta waxaa looga fadhigaa in uu xafiis adeeg ka furo deegaanka uu ka soo jeedo ama laga soo doortay, taas oo qeyb ka ah shaqadiisa dastuuriga ah, si shacabka uga marqaati noqdo waxqabadkiisa.

office-board1-1 office-board abshir-bukh abshir-bukh1

Goobjoog News