U bood dhigaalka

Senator Muuse Suudi Oo Markale Loo Doortay Senator Ka Tirsan Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeyay doorashada kursiga koowaad ee Aqalka sare BJFS.

Kursigaan oo ay kuwada tartameen musharixiin gaareysa illa Afar musharax, ayaa waxaa ay kala ahaayeen:
Muuse Suudi
Axmed Daaci
C/llaahi Sh. xasan
Dr Cadaay

Wareegga koowaad ee tartanka ayaa waxaa Musharixiinta ay kala heleen codad dhan
Muuse Suudi 51 cod
Axmed Daaci 28 cod
C/llaahi Sh. xasan 15 cod
Dr Cadaay 2 cod.
Intaas ka gadaal tartanka ayaa loo gudbay wareegga Labaad ee tartanka oo ay u soo baxeen Musharixiinta kala Ah Muuse Suudi iyo Axmed Daaci.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle  ayaa markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareeggi labaad ku dhawaaqay natiijada.

Muuse Suudi Yalaxoow ayaana  markale loo doortay in uu noqdo Senator ka tirsan Senatorada Aqalka sare, isagoo helay 55 cod, halka Musharax Daaci oo la tartamayay uu helay 45 cod.

Goobjoog News