U bood dhigaalka

Senator Raage: Maqaamka Muqdisho In La Caddeeyo Waa Qasab

Sheeko:Dalka

Senator Maxamed Xuseen Raage oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee laga soo doortey Hirshabelle ayaa sheegay iney xusul duub u geli doonaan sidii magaalada Muqdisho ku heli lahayd xuquuqdeeda.

Wuxuu tilmaamey Senetor Maxamed in marnaba aan indhaha laga qabsan karin xuquuqda 3 Milyan oo ruux, kuwaasi oo ku nool magaalada Muqdisho.

Marka la dhiso dowladda cusub ee Federaalka ayuu sheegay Senator-ka in xoogga saarayaan in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muqdisho waxaa ku nool dad ka badan 3Milyan oo Soomaali ah, xaqoodana inaan la inkiri karin ayaa cadaatey, annagu waxaan go’aansaney Soomaalidana u sheegeynaa xuduudna la leh Muqdisho, inaan diyaarinno mar haddii aan soo galno dowladda Federaalka ee hadda la dhisi doono, in maqaamkii Muqdisho lasoo saaro, xaqeediina lasoo saaro, gobollada Soomaaaliya waxaa ku jira kuwo degmooyinka Xamar ka dadbadan yihiin oo xaqooda helay, waxaana rabnaa in Muqdisho xaqeeda ay hesho”

Senator Maxamed Xuseen Raage oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Muqdisho loo dhisi doono maamul goboleed u gaar ah, sida loo dhisey maamul goboleedyada kale ee dalka.

“Dadka waxay dhahaan maamul goboleedkii ugu dambeeyey waa Hirshabelle, sidaasi darteed waxaan leeyahay sidaasi ma ahan oo Muqdisho ayaa dhiman, sida maamul goboleedyada u hoostagaan dowladda Federaalka ayeey Muqdisho u hoostagi doontaa, aad iyo aad ayeey u sarreysaa rajadeena ah in Muqdisho xaqeeda hesho”

Siyaasiyiin badan ayaa dhowr jeer ku celceliyey iney muhiim tahay in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News