U bood dhigaalka

Senator Raage “Waxaan Ka Xumahay In Taliyahii Booliiska Iyo Duqa Muqdisho Weeraraan Dad Dhaawac Ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Maxamed Xuseen Raage oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in weerar lagu qaado dad shacab ah oo uu tilmaamay iney ku sugnaayeen degmada Wadajir.

Waxa uu ku eedeeyey maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Booliiska in ay weerar cad ku qaadeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Siligga.

Senator Raage ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guryaha ugu galeen rag kusoo dhaawacmay dagaallo ay Al-shabaab kula galeen gobolka Hiiraan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dadkii Al-shabaab kula diriray Hiiraan waliba maxaas, dhaawacoodii la keenay magaalada, meeshii la geeyay ayaa waxaa ku weerartay dowladda, aad iyo aad ayaan uga xumahay in taliyahii Booliiska iyo duqa gobolka weeraraan dad dhaawac ah, carruur iyo odoyaal aan socon karin” ayuu yiri Senator Raage.

Ugu dambeyn, mudane Raage ayaa ku baaqay in aan xilligaan la iska horkeenin shacabka iyo dowladda, isaga oo si gaar ah xukuumadda ugu baaqay in arrintaan ay soo farogeliso.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ayaa shalay ka dhacay xaafadda Siliga, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News