U bood dhigaalka

Senator Xuseen oo Goobjoog u Xaqiijiyey in Laga Reebay Liiska Aqalka sare

Sheeko:Amniga

Waxaa hadda soo baxay liiska Aqalka sare u tartamaya ee maamul goboleedyada Aqalka sare, waa lasoo badhigay ilaa 5 kursi.

Waxaa xusid mudan in liiska laga saaray Senator Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Senator Ilyaas Cali Xasan.

Senator Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sabab la’aan looga reebay liiska, waxaa uuna intaa raaciyey inuu filayo inuu eersaday mowqofkiisa dal dhisidda ahaa.

Senator waxaa lagu badalay Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Aden Cabdinadir halka Senator Ilyaas hooskiisa la keenay Ayaan Aden Cabdullahi.

Arrintan ah in siyaasiyiin laga hor istaago tartan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geedi u socodka doorashada iyo hufnaanta la rajeynayey.

Xuseen waxaa uu ka tirsanaa xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan Sheekh halka Ilyaas uu ka tirsanaa xisbiga Himilo ee Madaxweyne Sheekh Shariif