U bood dhigaalka

Senatorada Aqalka Sare BF ee Jubbaland oo Maanta La Dhameystirayo

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta la dhameystirayaa Senatorada aqalka sare BF ee kasoo galaya maamul goboleedka Jubbaland iyada oo la dooran doono ilaa afar Senator.

Jubbaland haddii maanta lasoo gabagabeeyey, waxaa ay guud ahaan Senatorada noqon doonaan inta ilaa hadda dooran 24, waxaana dhimman 2 Senator oo ka harsan Galmudug.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in la bilaabo doorashada golaha shacabka iyada oo laga bilaabi doono Somaliland iyo Koonfur galbeed.

Warar doorashada maanta halkan kala soco.

Goobjoog News