U bood dhigaalka

Senegal Oo Ciidamo Geysay Xaduudka Wadanka Gambia Si Cadaadis Loosaaro Madaxweyne Yahye Jammeh

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda Senegal ayaa sheegay in milatariga  dowladaha galbeedka ay tallaabo ka qaadayaan Gambia haddii madaxweynaha Gambia uu waqtigiisu dhamaaday uusan aqbalin inuu wareejiyo xukunka,   madaxweyne Yahye Jammeh ayaa dhaliilsan doorashadii ka dhacday Gambia bishii hore kaasoo ku guuleysatay Aadamow Baarow .

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha ururka ganacsiga ee dowladaha Galbeedka Afrika  Siidow ayaa waxa uu sheegay in ciidamada urur goboleedka  Galbeedka Afrika ay diyaar u yihiin in ay weerar ku qaadaan madaxwynaha uu waqtigiisu dhamaaday Yahye Jammeh .

Inta badan dowladaha Galbeedka Afrika  gaar ahaan  Nigeria, Liberia , Ghana ayaa waxay dadaalo diploomaasiyadeed ay ku bixnayaa inay ku qanciyaan  madaxweyne Yahye Jammeh oo 51 sano jir ah inuu Gambai uu soo xukumay muddo dhan 22 sano  uuna wareejiyo xilka  ka dib markii looga adkaaday doorashooyinkii ka dhacay wadankaas bishii  December ee sanadkii hore.

Yahye Jammeh ayaa waxa uu wajahayaa caadidsyo iyo cago jugleyn uga imaanayso gaar ka mida wadamada dhaca galbeedka Afrika  taasi oo uu diiday inuu xilka uu ku wareejiyo madaxweyne Aadamow Baariyow  oo ah ninka ku guulesytay doorashada, madaxweyne Yahye Jammeh ayaa xaalad degdeg ah oo muddo 3 bilood ah waxa uu ku soo rogay.

 Goobjoog News