U bood dhigaalka

Shabaab Oo Isaga Baxay Saacado Kadib Markii Ay La Wareegeen Matabaan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada.

Shabaab ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda ee halkaas ku sugnaa.

Xubnaha ka tirsan Shabaab ee magaalada qabsaday ayaa la sheegay in ay gubeen saldhigga booliiska degmada Matabaan.

Saacado kooban oo ay gacan ku heynta magaalada la wareegeen ururka ayaa markii dambe isaga baxay gudaha magaalada Matabaan ee gobalka Hiiraaan.

Waxaana la sheegay in ay u ruqaan sadeen deeganada banaanka ka ah degmada Matabaan ee kala qeybisa xadka gobalada Galgaduud iyo Hiiraan.

Qabsashada al-shabaab ay maanta qabsadeen matabaan ayaa ka dhigan in 13 sano ka hor , markii ay soo ifbaxeen ururkan.

Maamulka Hirshabeelle ayaanan weli ka hadlin magaalada ay ka qabsadeen ururka Al-shabaab.

Goobjoog News