U bood dhigaalka

Shabakadda Soomaalida Mareykanka oo Soo Dhoweeyay Ansixinta Xukuumadda Cusub

Sheeko:Amniga

Shabakadda Soomaalida ee Mareykanka ayaa soo dhoweeyay ansixinta xukuumadda cusub ee Danqaran oo dhowaan aqalka hoose ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya meel mariyay, golaha ayaa sheegay in ay farxad u tahay in xukuumadda cusub lagu soo daray xubno xirfadlayaal ah, kuwaas oo dalka dib ugu soo laabtay sida lagu xusay warsaxaafadeed kasoo baxay.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay madasha lagu xusay in golaha cusub ay Allah uga baryayaan inuu u fududeeyo waajibaadka loo idmaday,  aqoonahanka ku nool Waqooyiga ayey ugu baaqeen America ay ka qeyb qaataan samata- bixinta dalka, ugana faaiideeyaan aqoontooda walaalaha Soomaaliyeed iyo xoojinta dowladnimada xilligaan hanaqaaday.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Shabakadda Soomaalida ee Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo bogaadin loo jeedinayo Baarlamaanka federalka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisulwasaare Xamse Barre, taas oo loogu magac bixiyay Danqaran, waxaana horyaalla arrima dhowr ah oo amniga iyo abaaruhu ugu horeeyaan.

Halkaan Ka Akhriso warsaxaafadeedka.

War-saxaafadeed (1)

Goobjoog News