U bood dhigaalka

Shabeellada Dhexe oo Amar Ku Bixiyay Inaan La Kireyn Karin Hotellada, Guryaha iyo Gadiidka

Sheeko:Dalka

Xafiiska guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta amar ku bixiyay La Kireyn Karin Hotellada, Guryaha iyo Gadiidka iyagoo aan lala socodsiin maamulka

Wariyaha Goobjoog ee Jowhar ayaa sheegaya in arrintan uu maamulka u sababeeyay sare u qaadista iyo suidda amniga magaalada, waxaa kaloo bulshada loogu baaqay in ay amniga ka qeyb qaataan.

Amarkan ayaa imaanaya kadib markii Jowhar loo magacaabay in ay martigaliso shirka maamul u sameynta Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Weriyaha ayaa sidoo kale sheegaya in isbadal dhinac walbo ah laga dareemayo magaalada Jowhar, iyagoo 80% haatan la kireystay Hoteelada Magaalada.