U bood dhigaalka

Shabeellada Hoose: Taliyaha Uganda Oo Booqday Fariisimaha Ciidamadiisa

Sheeko:Amniga

Taliya ciidanka Uganda ee Soomaaliya Brig. Gen. Michael Kabango  ayaa todobaadkan booqday goobaha ay ciidamada Uganda ka joogaan Barawe iyo Maryan Gubay, si uu u hubiyo qaabka shaqo.

Ciidamada uu booqday waxaa ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM, gaar ahaan Sector I, ee fadhigoodu yahay shabeellada hoose.

“Ha luminina xiriirka aad la leedihiin bulshada”, Kabango ayaa sidaasi ku yiri ciidamada mar uu u khudbeynayey.

Kabango  ayaa intaasi raaciyey “Al-Shabaab waxaa ay wajahayaan dhibaato maaliyadeed mar haddii magaalooyinkii xeebta ahaa oo ay lacago ka heli jireen ay dowladda qabsatay. Waxaa ay dadka u dhigtaan jid-gooyo iyaga oo lacago baad ah ka qaato”.

Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa  6,223 oo ciidan.

Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan  Sector 1 oo ka kooban Gobolkan Banadir (Mogadishu), iyo labada shabeelle midda dhexe iyo midda hoose.

Goobjoog News