U bood dhigaalka

Shabellaha Hoose: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Bilaabay

Sheeko:Dalka

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadaan ayaa isku fidiyay Tuulooyin hoostaga degmada Buulo Mareer iyo sidoo kale deegaanka Galweyn ee gobalka Shabellaha Hoose, ka dib markii Al-shabaab ay weeraro is xig xigay ku qaadeen deegaanadaasi.

Saraakiil ka tiran dowladda Federaalka oo aynu xiriir la sameenay waxa ay inoo sheegeen in dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ku xaqiijinayaan amniga guud ee gobalkaasi.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Buulo Mareer ayaa u sheegay Goobjoog News in Ciidamo aad u badan ay degmadaasi gaareen, kuwaasi oo ka mid ah dowladda Federaalka.

Xarakada Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay weeraro kala duwan ku qaadeen deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News