U bood dhigaalka

Shabellaha Hoose: Dad Badan Oo La Xanuunsanaya Cudurka Duumada

Sheeko:Caafimaadka

Deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in xillligaan uu ka jiro cudurka duumada, kaasi oo dad badan ay la xanuunsan yihiin.

Deegaanadaasi waxaa ka mid ah Baladul Amiin, waxaana lasoo sheegayaa in dadkii u badnaa uu soo ritay cudurkaasi, kaasi oo ka dhashay fatahaadii wabiga uu ku sameeyay deegaanka.

Gudoomiyaha deegaanka Baladul Amiin Xaaji Cali Macalin Axmed ayaa u sheegay Goobjoog News in xaaladda Caafimaad ee deegaankaasi ay kasii darayso maalinba maalinta ka dambeysa.

“Kaneecada ayaa dadka dhibaato xoogan ku hayo, dad badan ayaa cudurka duumada la jiifa, waxaan ka baqaynaa in deegaanka uu ka dilaaco cudurka shuban Biyoodka” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa sheegay in deegaankooda aanu ku yaalin xarun caafimaad oo wax loogu qabto dadka xanuunsanaya, isaga oo dowladda iyo hay’adaha caafimaadka ugu baaqay in arintaasi wax ka qabtaan.

Goobjoog News