U bood dhigaalka

Shacab Barakac Ka Billaabay Deegaanka Mareergur Ee Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Mareergur ee gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in shacabka halkaasi ku dhaqan ay billaabeen barakac baahsan, ka dib markii ay ka baqeen in lagu dul dagaallamo.

Ciidamo ka kala tirsan Ahlu-sunna Waljameeca iyo Galmudug ayaa la sheegayaa in duleedka deegaankaasi ay isku soo hor fariisteen, taasi oo keentay in shacabka ay magaalada ka barakacaan.

C/salaan Xasan Samatar oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Mareergur ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaaladda deegaanka ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo shacabka intiisa badan ay halkaasi isaga baxeen.

“Dadka daafaha deegaanka ayeey degeen, maanta oo dhan ayeey barakacayeen, xaaladda dadka wey adag tahay, maxaa yeelay meelaha la aaday ma ahan meello lasoo deganaa, biyo iyo meel ay harsadaan ma haystaan dadka, ciidamadii Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa degmada isku hor fadhiya” ayuu yiri C/salaan Xasan.

Dhinaca kale waxaan isku daynay in saraakiisha Ahlu-sunna iyo kuwa Galmudug aynu xiriir la sameyno, si arrimahaan aan wax badan uga weydiinno, hase ahaatee inooma suurta gelin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco

Goobjoog News