Shacab Cabasho Ka Muujiyay Nidaamka Loo Xulayo Golaha Deegaanka Gaalkacyo Ee Galmudug

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug ayaa dhaliilay qaabka loo xulayo golaha deegaanka magaaladaasi.

Shacabkani qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la afduubay hanaanka wax loo soo xulayo, islamarkaana ay haboon tahay in loo daayo maamulka Galmudug.

Axmed Nuur Daad oo ka mid ah Odayaasha Gaalkacyo ayaa sheegay inay diidan yihiin in dad gaar ah ay is lahaysiiyaan xulista golaha deegaanka, kuna baaqay in la qaato ammarka madaxweynaha Galmudug oo ah in la joojiyo xulista xubnahaasi inta uu kaga laabanayo Gaalkacyo.

Sidoo kale dhaliinyarada Gaalkacyo oo ka mid ah dadka cabashada qaba waxay sheegeen in ay arkayaan dad si hoose uga wada magaalada Gaalkacyo qorista dad ay sheegeen in laga dhigayo golaha deegaanka.

Ugu dambeyn ayeey ugu baaqeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed in tallaabo adag uu ka qaado dadka jabiyay ammarkiisa, islamarkaana la joojiyo waxa hadda ka socda magaaladaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW