U bood dhigaalka

Shacab caraysan oo dibad bax ka dhigay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya

Sheeko:War
Qaar ka tirsan dibadbaxayaasha/ Sawir Qaade: Maxamuud Warsame. Goobjoog FM
Qaar ka tirsan dibadbaxayaasha/ Sawir Qaade: Maxamuud Warsame/ Goobjoog FM

Shacab careysan oo ka cabanayay in la boobay dhulkooda ayaa maanta Banaanbax xoogan ka dhigay afaafka hore ee mataxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Shacabkaan oo deganaa sida ay sheegeen deegaanka Gubadleey ayaa sheegay in qaar ka tirsan taliyaasha ciidamada ay ka madax adeegeen amar guddoomiyaha gobolka Banaadir Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu siiyay isaga, kaa oo ah in shacabkaan dib u dejin loo sameeyo.

Shacabkan ayaa socod ka soo bilaabay degmada Kaaraan, iyagoo ugu dambeyn isugu yimid xarunta maxkamadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Dad weynahan ayaa cod dheer ku sheegay in dowladda ay dhulkooda ku wareejinayso ganacsato ka mid ah kuwa Muqdisho.

Deegaanka Gubadleey ayaa ku yaalla duleedka Muqdisho, waxa uuna hoos yimaadaa degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.