U bood dhigaalka

Shacab Dibadbax Cabasho Ah Ka Dhigay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dad dhawaan dowladda Federaalka ay ka saartay guryo ku yaallay dhabarka dambe ee garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan dhanka wadada 21 October ayaa maanta dhigay dibadbax ay ku dalbanayaan dib u dejin.

Waxay sheegeen dadkaan in meelihii laga saaray ay haatan dhisanayaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda Federaalka iyo ganacsato Soomaaliyeed waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen dadkani in wixii ka dambeeyay markii laga saaray guryahii ay deganaayeen ay nolol adag soo wajahday, illaa iyo haatanna aysan haysan meel ay degaan, noloshana ay ku adagtahay.

“Annaga meeshii aan deganeen waa nalaga saaray ma haysanno meel aan degno, meeshii laftigeeda dad kale baa dhisanaya annagii nalaga saarayna waan dayacannahay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii dibadbaxa dhigayay.

Dadkani ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay hoos usoo eegaan masaakiinta dhibban, islamarkaana ay u sameeyaan dib u dejin.

Goobjoog News