U bood dhigaalka

Shacab Iyo Mas’uuliyiin Loo Xirey Qaraxii Buuhoodle

Sheeko:Amniga

Guddi loo xil saaray baaritaanka qarax dhowaan ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in meel gebogebo ah uu marayo shaqooyinki loo xilsaaray.

Cabdifitaax Cali oo ah guddoomiyaha magaalada Buuhoodle sidoo kalena xubin ka ah guddiga baaritaanka wada ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in xogo badan ay hayaan islamarkaana howsha ay gacanta kula jiraan.

Wuxuu sheegay in warbixinno ay ka hayaan shaqsigii is qarxiyay, islamarkaana xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 ruux oo xiriir uu la lahaa.

Guddoomiye Cabdifitaax ayaa sheegay in dad shacab ah ay u badan yihiin dadka u xirxiran kiiskani, hayeeshee ay ku jiraan dad mas’uuliyiin ah oo uu ka gaabsaday in uu magacyadooda inoo sheego.,

Qaraxii ka dhacay Buuhoodle ayaa waxaa ku dhintey Saddex qof, kadib markii qof ismiidaamiyey uu eegtay gaari ay saarnaayeen dadkan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News