Shacab Ka Barakacaya Deegaanka Ceelcadde Ee Gobalka Gedo

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in shacabkii ku dhaqnaa halkaasi ay billaabeen inay barakacaan kadib cabsi soo wajahday.

Dadkaan ayaa la arkayaa iyaga oo guryahooda kala baxaya agabkooda, waxaana ay aadayaan deegaanno halkaasi ku dhaw.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Ceelcadde ayaa inoo sheegay inay ka baqayaan in mar kale lagu dagaallamo halkaasi maadaamada shalay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xero AMISOM ku lahaayeen halkaasi.

Goobaha ganacsiga deegaankan iyo sidoo kale xarumaha waxbarashada ayaa maanta ah kuwo gabi ahaanba xiran.

Dhinaca kale waxaa nawaaxiga deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan Al-shabaab iyo AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW