U bood dhigaalka

Shacab Ku Dhibaateysan Deegaanno Ku Dhaw Degmada Jowhar

Sheeko:Dalka

Deegaanno ku dhaw degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabelleha Dhexe ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo aanay jirin adeegyadii Bulshada muhiimka u ahayd.

Gudoomiyaha Tuulada Mayungaalow ee ka mid ah Tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar Maxamed Maxamuud Cumar Gaabow ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in shacabka halkaasi ku dhaqan aysan ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

“Dadka waxay u baahan yihiin adeeg caafimaad, ma haystaan raashiin, sidoo kale ma haystaan biyo Nadiif ah, wabigii fatahay ayaa saameyn ku yeeshay” ayuu yiri gudoomiyaha

Dhinaca kale waxa uu sheegay gudoomiye Gaabow in wabiga Shabelle biyahii kasoo fatahay ay gudbeen illaa iyo 2-km oo beeraha dhexdooda ah, waxaana uu tilmaamay in ay la tageen dalagii beeraha.

Dhawaan deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha dhexe waxaa fataahaad ku sameeyay wabiga Shabelle, waxaana saameyn uu ku yeeshay shacab badan oo halkaasi ku dhaqan.

Goobjoog News