U bood dhigaalka

Shacabaka Baladweyne Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle, waxaana uu saameeyay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Shacabka ayaa qaarkood waxaa u suurta gashay in magaalada Bannaanka ay uga baxaan, inkastoo aanay jirin hoy kasii horreeyay oo ay degaan, halka qaarka kalena ay ku go’doomeen magaalada gudaheeda.

Xaaladda ayaa maalinba maalinta ka dambeysay noqoneysay mid kasii dareysay, waxaana fatahaadda ay noqontay mid ku fidda Afarta xaafadood ee Baladweyne ka kooban tahay.

Hadda Wabiga biyo kuma soo darayo xaafadihii uu ku fatahay, hase ahaatee biyaha ayaa sio tartiib ah u laabanaya, inkastoo meelaha godadka ah ay fadhiyaan.

Cabsida hadda jirta ayaa ah in cuduro ay ka dhashaan fatahaadda Wabiga sida Duumada iyo cudurka Shuban biyoodka.

Bulaacadihii ku yaalla magaalada Baladweyne iyo waxaa isku darsamay biyahii, sidoo kale keydkii Suuliga ee saxarada ayaa gabi ahaanba waxaa qariyay biyaha, taas oo laga yaabo in caafimaad darro ay horseeddo.

Hadaba shacabka Baladweyne waa kuwo u baahan gurmad xooggan oo dhan walbo leh, waxaana waxyaabaha ay u baahan yihiin ah in biyaha laga saaro xaafadahooda, dawooyin iyo sidoo kale in ay helaan raashiin ku filan.

Goobjoog News