Shacabka Baydhabo oo soo Dhaweeyay Natiijada Shirkii Madasha

Qaar kamid ah shacabka magaalada Baydhabo ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay shirkii madasha wadatashiga ee ku soo dhammaaday magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa ku kala aragti duwanaaday qaabka lagu soo dhisayo dowladda cusub ee 4.5 oo la shaaciyay in shirka uu ka soo baxay.

Goobjoog News oo Microfoonka la dhex martay dadka Baydhao ayey intooda badan soo dhaweeyeen natiijada shirkii Madasha, kaas oo la go’aamiyay in wax lagu qeybsado 4.5 oo aqalka hoose ah iyo deegaan oo aqalka sare ah.

Waxay dadka qaar sheegayaan in nidaamkani uu xal u yahay dalka maadaama meelaha qaar aysan ka jirin amni buuxa.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW