U bood dhigaalka

Shacabka Dalka Jabuuti Oo Maanta u Dareeray Codbixinta Doorashada Madaxtinimo Ee Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Maanta oo jimco ah ayaa shacabka ku dhaqan wadanka Jabuuti waxay u dareereen xarumaha codbixinta ee doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Doorashadan waxaa isku haya madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo sidoo kale Cumar Cilmi Kheyreh iyo Maxamuud Daa’uud oo dhanka mucaaradka ugu cad cad.

Shacabka ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen, iyadoo amniga dhammaan xarumaha codbixinta tahay mid aad loo adkeeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doonaya in markiisii Afaraad uu qabto xilkaan, isaga oo markii ugu horreysa Madaxweyne loo doortay sanadkii 1999-kii.

Qaar ka mid ah Mucaaradka Jabuuti ayaa qaadacay doorashada dalkaasi iyaga oo sheegaya in dowladdu aanay diyaar u ahayn tartan doorasho oo xor ah.

Dalka Jabuuti ayaa yeeshay Laba Madaxweyne tan iyo markii uu xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska sanadkii 1977.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News