U bood dhigaalka

Shacabka Dayniile Oo Ka Cabanaya Burcad Habeenkii Dhac Ka Geysta Degmada

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya burcad wata Mootooyin oo xilliyada habeenkii dhac u geysta dadka shacabka ah ee deegaanka.

Qaar ka mid ah shacabkan oo la soo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in wixii ka dambeeya salaadda maqrib ay kooxahan soo galaan degmada, ayna dadka ka dhacaan taleefannada gacanta iyo waxyaabaha kale ee ay wataan.

Waxay sheegeen iney jiraan shacab waxyeello kasoo gaartay dhaca ay geystaan burcaddan, waxaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya iney arrintaasi wax ka qabato.

“Dhibaatada jirta waxaa waaye, degmada waxaa kusoo batay niman Mootooyin wata oo maqribkii kadib dadka ka qaata Taleefanada, cidda diidana dhibaato ayeey u geystaan” sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Dayniile.

Dhanka kale, waxaa inoo suurtagali weysay inaan qadka taleefanka ku helno maamulka degmada Dayniile si aan arrintaan wax uga weydiinno.

Goobjoog News