Shacabka Deegaanka Ceelguulla Ee Mudug Oo Ka Cabanaya Cayayaan Halis Ku Ah Naftooda

Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelguulle ee gobalka Mudug ayaa cabasho ballaaran ka muujinaya cayayaan la sheegay in uu dadka halis ku yahay naftooda, ayna jiraan dad u dhintay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Jaamac Diirshe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay jiraan bahallo yar yar oo dadka qaniinaya, islamarkaana inta aan Isbitaalka lasoo gaarsiin qofka la qaniinay uu dhimanayo.

“Deegaanku waa mid ballaaran oo tuulooyin ka hareereysan, bahallo ayaa jira maalmahaan dambe oo dadka qaniinaya inta aan qofka Isbitaalka lasoo gaarsiin uu dhimanayo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha deegaanka Ceelguulla ayaa sheegay in guud ahaan deegaankaasi aanu lahayn xarumo dadka lagu daweeyo oo rasmi ah, sidoo kalena ay jirto dawo la’aan baahsan.

Maamulka Galmudug iyo hay’adaha caafimaadka ayuu ugu baaqay in dawooyinka iyo adeegyo caafimaad ay lasoo gaaraan deegaankaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW