U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Jowhar Oo Lagu Amray Ka Qeybqaadashada Nadaafadda Degmadaasi

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska dowladda Hoose ee degmada Jowhar ayaa lagu amray shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay kaalin xooggan ka qaataan nadaafadda iyo amniga degmadaasi.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in dhammaan shacabka kusoo xadgudbay hareeraha wadooyinka in ay dib uga laabtaan oo sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku faarujiyaan.

Geedaha yar yar ee ku yaalla hareeraha wadooyinka Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar ayaa ammar lagu bixiyay in la jaro si aan loogu aasin waxyaabo amniga wax u dhimaya.

Cid walba oo ku dhaqan degmada Jowhar ayaa la sheegay in uu waajib ka saaran yahay sidii ay kaalin uga qaadan lahayd bilicda magaaladaasi.

Waxaa la filayaa in dhawaan degmada jowhar uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News