U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Qoryooley Oo Si Iskood Ah u Dayactiraya Isbitaalka Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

QoryooleeyShacabka ku nool degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa qaab iskood ah u bilaabay in dib u habeyn ay ku sameeyaan Isbitaalka guud ee degmadaasi, ka dib bur bur soo gaaray.

Cumar Xasan Xumar Akoordo oo ah agaasimaha Isbitaalkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in shacabka Qoryooley, iyo shaqaalaha Isbitaalkaasi ay u istaageen in markaan ay iskood wax u qabsadaan.

Agaasimaha ayaa sheegay in uu shiriyay dhamaan shaqaalaha Isbitaalkaasi, una sheegay in xilligaan loo baahan yahay in gacmaha la’is qabsado, loona fadhin gacmo wax laga sugo.

“Waxaan isugu yeeray shaqaalaha, waxaana ka wada hadalnay sidii aan iskeen wax ugu qabsan lahayn, waxaan garab xoogan ka helnay shacabka yar iyo weyn, dib ayaan u bilaawnay habeynta Isbitaalka, nadaafadda ayaan ka shaqeyneynaa, waxaana hadda soo qurxoonaaday Isbitaalka markii shacabka iyo anaga aan ku bilawnay nadaafadiisa inaan ka shaqeyno”

Agaasimaha ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin kaalmooyin daawo iyo dhaqaale oo ay ka heleen dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha dhanka caafimaadka qaabilsan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News