U bood dhigaalka

Shacabka Dhoobley oo Ka Sheeganaya Cunaqabateynta Dowladda Federaalka ee Duulimaadyada

Sheeko:Amniga

Shacabka ku dhaqan magaalada Dhoobley ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa dareen xun ka muujiyey saameynta ay ku reebtay cunaqabateynta dowladda federaalka ah ee dhanka duulimaadyada.

Qofka ka tagaya Kismaayo ee u safra magaalada Dhoobley halkii uu ka bixin jiray 80$, una socon jirtay 30 daqiiqo keliya masaafada 220 KM ee Kismaayo Dhoobley, hadda waxaa uu ku qabsan yahay inuu bixiyo 250$ isaga oo masaafo ahaan jaraya inuu marka uu Kismaayo ka soo tago uu soo maro Muqdisho, kadibna uu tikit kale u goosto Dhoobley, safarkaas oo ugu yaraan qaadanaya 6 saac.

Dhinaca kale, waxaad aad u kordhay qiimaha lagu tago Nariobi, ee dalka Kenya oo halkii markii hore ay ka aheyd 220$ hadda waxaa qofkii bixinayaa lacag ka badan 370$.

Dowladda federaalka ah ayaa go’aankan qaadatay si ay u ciqaabto maamulka Jubbaland, laakin nasiib darro waxaa ay dhibaato ku noqotay bulshada deegaankaas, oo maraya ciqaab wadareed.

Arrinta kale oo falanqeeyeyaal ay Goobjoog News u sheegeen waa in dowladda federaalka ah ay arrinkan u sameysay xin iyo aargoosi, kadib markii August xilligii doorashada Jubbaland uu maamulkaasi sheegay inuu xirtay hawada, dhulka iyo badda, taasi oo aanu sameyn karin, jawaabta Villa Somaliana ay sidan noqotay.

Goobjoog News