U bood dhigaalka

Shacabka Galmudug Oo Loogu Baaqay Ka Shaqenta Nabadda

Sheeko:Dalka

Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradka Galmudug oo gaaray degmada Cadaado ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda.

Suldaanka oo safarkiisa uu ku wehliyey Sheekh Cali Xaaji Yuusuf oo aad looga qaddariyo deegaannada Galmudug ayaa waxaa soo dhaweeyay Culimo, waxgarad, Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Suldaan Cali ayaa sheegay in ka dhaqan ahaan ay ku dadaali doonaan wacyigelinta iyo is dhexgalka bulshada ku nool deegaannada Galmudug, laakiinse shacabka dhankooda looga baahan yahay inay iloobaan wax walbna oo dhibaato soo kala dhexmartay hadana colaad abuuri kara.

“Waad na wanaajiseen, si wanaagsan baad noo soo dhaweyseen, intaan waa nagu filan tahay laakiin waxaan rabnaa inaan dhahno aan ka wada shaqeynno nabadda, xasiloonida ammaanka iyo cadaaladda, ogaada shacabow annaga wax gaar ah oo aan qaban karnaa ma jirto hadii aadan idinku wax nala qaban, idinku hadii aadan waxbo qaban annaga waxbo ma qaban karno” ayuu yiri Suldaanka.

Ugu dambeyn Suldaan Cali ayaa kula dardaarmay cid walbo oo mas’uuliyad ka haysa Galmudug inay si daacad ah ugu adeegto dadka iyo dalka.

Goobjoog News