U bood dhigaalka

Shacabka Garoowe Oo Aragti Ka Dhiibtay Go’aankii Madaxweyne Xasan

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa aragti ka dhiibtay go’aankii shalay ee madaxweyne Xasan Sheekh ku meel mariyey heshiiskii madasha wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka.

Waxay intooda badan shacabkan ay sheegeen in madaxweynaha uu ku saxan yahay meel marinta heshiiskan oo ay sheegeen inuu yahay mid shacabka u muhiim ah.

“Magacaygu waa Maxamed Cabdullaahi, go’aankii uu shalay gaaray madaxweynaha Soomaaliya ee heshiiskii madasha ee doorashooyinka waan soo dhaweynayaa, waxaana leeyahay waa tallaab horay loo qaaday”

“Magacaygu waa C/qaadir C/laahi Axmed, go’aankii uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan u arkaa go’aan geesinimo leh, waa go’aan aan is leeyahay waa midda kaliya ee cadaaladda uu ka sameeyay madaxweyne Xasan inta uu joogay xafiiska, waxaana leeyahay waa go’aan umadda Soomaaliyeed waddo muhiim ah u horseedaya”

Qaar ka mid ah shacabka aragtida kala duwan ka dhiibtay go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iyaguna qaba in go’aankan ku yimid oo kaliya cadaadis beesha caalamka ay saartay madaxweyne Xasan Sheekh waa sida ay hadalka u dhigeene.

Goobjoog News