U bood dhigaalka

Shacabka Ingiriiska Oo u Codeynaya Xubinnimada Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Malaayiin Ingiriis ah ayaa maanta u codeynaya Xubinnimada Midowga Yurub, codeynta ayaa lagu sheegay in ay tahay mid taariikhi ah, waa aftidii sedexaad ee ka dhacda taariikhda Ingiriiska.

Goobaha doorashooyinka ayaa albaabada loo furay guud ahaan dalka Ingiriiska todobadii subaxnimo, iyadoo cod tirintu ay bilaabaneyso isla marka ay dhamaato cod bixintu.

46.499.537 waa tirada dadka lagu wado in ay codeeyaan, waxaana tartan adag uu u dhaxeeyaa dadka doonaya in ay midowga Yurub ku sii jiraan iyo koox kale oo dooneysa in ay gooni isu taagaan.

“Ingiriiska ma ku sii jirayaa Midowga Yurub mise waa ka baxaa”? waa su’aal la weydiiyay dadka Ingiriiska, waxaa natiijada codbixinta lagu dhawaaqi doonaa subaxa hore ee Jimcaha 24 Juun.

Codeynta waxaa ay ka dhaceysa ilaa 382 xarun oo ku kala yaallo England, Scotland,  Wales iyo xitaa  Northern Ireland iyo Gibraltar.

wararka aftidan iyo natiijada kala soco, Goobjoog News