U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Jalalaqsi Oo Ka Cabanaya Isbaarooyin Yaalla Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa ka cabanaya Isbaarooyin badan oo yaalla gudaha degmadaasi iyo sidoo kale meelaha laga soo galo Jalalaqsi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Isbaarooyinkaan ay geysanayaan ciidamo ka mid ah Milatariga oo halkaasi ku sugan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkaan in Gaadiidka oo Dhugdhugley (Mooto) ugu yar tahay laga qaadayo lacag dhan 10 doolar.

Waxay dadkaan tilmaameen in shacabka ku dhaqan degmadaasi ay aad u dhibban yihiin, hadii ay banaanka u baxaanna ay lacag ka qaadayaan Al-shabaab waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Hadii lacag la dhiibi waayo darawalka ayaa la dhaawacayaa, AMISOM wey iska dhex socotaa oo waxba manoo qabaneyso, shacabka wey dhiban yihiin, inay dagaallamaan wax yar ayaa ka dhiman, dhibkana waxaa nagu hayo ciidamada Miatariga, waxayna tani ka dambeysay markii Milatariga dhexdiisa isku dagaaleen lacagahaasi” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka Jalalaqsi.

Ugu dambeyn ayeey ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya in deg deg ay wax uga qabato xaaladda ka taagan degmada Jalalaqsi, islamarkaana xaaladda ay kasoo darayso maalinba maalinta ka dambeysay.

Goobjoog News