U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Jowhar Oo Ku Mashquulsan Carro Tuurka Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe iyo shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ayaa aad ugu mashquulsan carro tuur loo sameynayo wabiga Shabelle ee degmadaasi mara.

Waxaa la arkayaa gaadiidka Cagafta loo yaqaano iyo sidoo kale shacab aad u badan oo ku mashquulsan sidii ay u dhigi lahaayeen carro badan hareeraha Wabiga, iyadoo laga baqayo in fatahaad uu sameeyo.

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ayaa kormeer ku tagay halka howshaan ay ka socoto, waxaana uu shacabka ku bogaadiyay in dadaalkooda ay sii wadaan.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa uu kaalin xooggan ka qaadan doono sidii loo sii wadi lahaa carro tuurka ku aadan Wabiga, shacabkana looga baahan yahay kaalintooda inay qaataan.

Bisha soo socota ee October bartamaheeda ayaa laga baqayaa in meelo badan oo dalka ah ay ka da’aan roobab xooggan, waxaana laga baqay in wabiga uu fatahaad sameeyo.

Goobjoog News