U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Gabiley Oo Ka Cabanayan Daanyeerro Dhib Ku Haya Dadka Iyo Duunyada

Sheeko:Dalka

Cabsaho Ballaaran ayaa kasoo yeeraysa qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaannada maamulka Somaliland, taasi oo ku aadan Daanyeerro badan oo weerar ku ah Dadka iyo Duunyada.

Inta badan daanyeeradaan ayaa dhibaato ku haya dadka ku dhaqan magaalada Gabiley, gaar ahaan kuwa ku sugan dhanka beeraha, oo ay ka xaalufinayaan dalagii ay beerteen.

Dadkaan qaarkood ayaa sheegay in Daanyeeradaan ay ku cusub yihiin deegaanka, islamarkaana maalin walba gelinkeeda dambe uu ku yaacayo beeraha, islamarkaana wax walba oo halkaasi ka baxo uu cunayo.

Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkaan cabashada ka ah Daanyeerradaan in beerihii uu kasoo gudbay sidoo kalene uu dadkii waxyeello u geysanayo, ayna jiraan dad dhaawacyo qaba.

“Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda in degdeg ay inooga soo gaarto Daanyeerkaan ina leynaya, hadii kale ha ogaadaan qaxooti cusub inagoo ah baan usoo soconnaa, waxaana laga doonayaa meeshi ay ina geyn lahayd” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka cabashada qabada.

Daanyeerradaan cabashada laga qabo ayaa dhawaan deegaankaasi yimid, iyadoo la sheegayo in uu kasoo guuray deegaanada xeebta ah ee Somaliland.

Goobjoog News