U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Garoowe Oo Soo Dhaweeyay Doorashadii Jubbaland

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa soo dhaweeyay doorashadii 15-kii bishaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose, taasi oo lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe.

Shacabkaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in doorashadaasi ay ku faraxsan yihiin, ayna soo dhaweynayaan madaxweyne Axmed Madoobe.

“Waxaan ku faraxsannahay sida ay doorashadaan u dhacday, waxaan is leeyahay waa mid aad iyo aad aad loogu farxo, sababtoo ah waxa uu meeshiisa kasii wada karaa howlaha horyaalla” sidaasi waxaa tiri Haweeney ku sugan Garoowe.

“Magacaygu waa Maxamuud Xasan Xuseen, waxaan ku faraxsanahay in maamulka Jubbaland uu ka baxay KMG-kii inaga oo og waxa ay Jubbaland soo martay, waana soo dhaweyneynaa madaxweynaha Jubbaland”

Dadka qaar ayaa ugu baaqay maamulka Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe oo loo doortay Afarta Sano ee soo socota in uu wada hadal la furo cid walba oo wax ka tabanaysa, si loo helo kala dambeyn iyo maamul wanaag.

Magaalada Kismaayo ayaa 15-kii bishaan waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha Jubbaland, inkastoo ay jiraan dad dhaliil u hayay doorashadaan.

Goobjoog News