U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Shirka Wada Tashiga Dowladda Iyo Maamul Gobaleedyada

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka aragti dhiibtay shirka ka socda magaalada, kaasi oo looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashada dalka ka dhici doonta 2016.

Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa qof walba waxa uu dhiibtay aragti gaar ah, kuna saabsan shirkaan iyo waxa laga filan karo.

“Magacaygu Waa C/qaadir Maxamed Faarax, shirka ka socda magaalada Muqdisho waxaan u arkaa inuu yahay mid natiijo fiican ay ka imaan doonto, meelo badan ayaa sidaan oo kale horay loogu shiray waxyaabo dan u ah shacabka Soomaaliyeed ayaana kasoo baxay”

“Deeq Mursal Faarax ayaa la idhahaa, aniga aragtideyda waxay tahay in isku imaatinka madaxdaba uu guul yahay, waxaa isku yimid dad miisaan iyo muuqaal ku leh bulshada dhexdeeda, waxaana filayaa in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo, qeybaha kala duwan ee Bulshadana waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan”

“Anigoo ah Cabdullaahi Axmed Maxamed, waxaan shirka ka socda magaalada Muqdisho u arkaa mid aan waxba soo kordhineyn, islamarkaana ay tahay jug jug meeshaada joog, sida ay wax u socdaanna waa qaabkii 2012-ka iyo sidoo kale Roadmap-kii lasoo maray”

Dadkaan ayaa aad ugu kala aragti duwan shirkaan ka socda maalintii Labaad magaalada Muqdisho, waxaana shirka la filayaa in saacadaha soo aadan lasoo gabagabeeyo.

Goobjoog News