U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Oo Ku Baaqay In La Dhiso Waddooyinka Burbrusan Ee Magaalada

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay maamulka gobalka Banaadir in la dhiso waddooyinka magaalada ee burbursan, kuwaasi oo dhibaato badan dadka ay ku qabaan.

Shacabkaan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in markii roobabku ay da’aan ay ugu daran tahay dhibaatada ay ku qabaan Waddooyinkaasi, xitaa Wadada Makka Al-mukarrama oo dhawaan la dhisay.

Waxay sheegeen in Hadda aan la mari karin wadooyinka Wadanaha iyo Soddonka ee magaalada Muqdisho, sababtuna waxay sheegeen in Biyo badan ay fariisteen, wadooyinkaasi oo burbursan awgeed.

“Wadadii Makka Al-mukarrma ee la dhisay ayaa waxaa fariisanay biyo aad u badan, hadii roob yar da’o Wabi oo kale ayeey biyuhu u buuxsamayaan, midda kale Laamiyadii Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ayaa dhibaato badan lagu qabaa, biyo ayaa fariistay, weyna burbursan yihiin” sidaasi waxaa yiri Xasan Cali Warsame oo ka mid ah shacabka Muqdisho.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa ka wada sinnaa baaqa ah in maamulka gobalka Banaadir uu istaago sidii loo dayactiri lahaa wadooyinka dhisan ee Biyuhu fariistaan iyo sidoo kale in la dhiso guud ahaan wadooyinka burbursan.

Magaalada Muqdisho ayaa ka dhisan wadada Makka Al-mukarrama oo dowladda Turkiga dhistay, hase yeeshee waxaa burbur uu ka muuqdaa wadooyinkii kale ee Magaalada, inkastoo maamulka gobalka Banaadir uu sheegay in Canshuurta guryaha lagu qaado lagu dhisi doono dhawaan wadada Wadnaha.

Goobjoog News