U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Qaarkood Oo Dhaliilay Go’aan Dhawaan Kasoo Baxay Somaliland

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aan dhawaan kasoo baxay maamulka Somaliland, kaasi oo ku aadan in aysan deegaanadooda imaan karin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda Yemen.

Waxa ay sheegeen in hadalkaasi uu yahay mid aad looga xumaado, islamarkaana aan laga fiirsan, iyaga oo ku sifeeyay qorshe dano kale laga leeyahay.

Dadka qaarkii oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in hadii tani aysan Somaliland degdeg uga laaban go’aankaasi uu caalamka oo idil aragti kale ka qaadi doono.

“Hadalkaan waxay igula muuqataa in shacabka Somaliland aysan raali ka ahayn, hase ahaatee xisbiga maamulka haya uu iska keensaday, waa arrin u baahan in laga damqado, Soomaaliya waa Soomaaliya, ma jirto wax kala qubquban” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka la hadlay Goobjoog News.

Maalin kahor oo ay ku beegneed 24-ka May ayaa wasiirka arimaha gudaha mamulka Somaliland waxa uu ku dhawaaqay in dekadaha Somaliland ay ka xirteen dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada Yemen ka socda.

Goobjoog News